”Iiraan ma aha Somalia oo kale oo waxaa iska leh dad qab iyo hidde leh!” – Soomaali badan oo runtaas ka carootey!

0
Iran and Somalia two folded flags together

(Sacramento, CA) 09 Jan 2020 – Waxaa aloosan xiisadda ka taagan Bariga Dhexe oo ah gobol muddaba dhib u joog ahaa, gaar ahaanna haatan waxaa cakiran xaaladda Iiraan iyo Maraykanka.

Haddaba, qarreenka caanka ah ee Micheal Avenatti oo u dhashay dalka Maraykanka, isla markaana difaacey dad badan oo caan ah ayaa bartiisa kusoo qoray war ay Soomaali badani ka xanaaqeen, balse run ah.

Wuxuu Twitter-ka kusoo qoray sidatan: ”Iiraan ma aha Ciraaq, ama Kuwayt, ama Suuriya ama Somalia. Waa dal ay leeyihiin dad qab iyo hidde fog oo hodona leh.”

”Si fudud uma bajin karo Trump mana yalmi doonaan. Nasiib xumo, nacaska Aqalka Cad ma fahmin mana qiimaynin taas todobaadkii tegey.”

Dadka aaminsan inuu warkani run yahay ayaa daliishanaya inay Soomaalidu ogolaatay inay dunidu ku maadsato kaddib markii ay dalkooda iyo dantoodaba dumiyeen iyagoo caqabad aan la xallin karin ka dhigaya waxyaabo iska fudud oo sicirka kaga baxayaa uu malaayiin jeer ka badan yahay faa’iidada ay heli lahaayeen haddii ay dal iyo dan dhexe yeeshaan.

Hadalsame Media