SHIISHKA SHIICADA: Gantaalaha baalistigga ee Iiraan oo Somalia duqayn kara (Barnaamijka gantaalaha Iiraan)

0

(Tehraan) 09 Jan 2020 – Waloow ay muddo la degtey cunaqabatayn saarrayd, misna barnaamijka horumarinta iyo tayada gantaalaha Iiraan ayaa dhowaanahan sameeyay sarekac aad u ballaaran.

Iiraan ayaa la sheegay inay haatan iskaga filan tahay soo saarista waxyaabo badan oo dhanka hubka ah, waxaana la aaminsan yahay inay haystaan gantaalo riddada dhexe ah oo baalistig ah oo 200 ka badan.

Tiirada gantaalahan ayaa u dhaxaysa 2,500km (1,554 mayl), gantaalka ugu dambeeya ee Sejjil-2, oo ah nooca ku shaqeeya shidaalka adkaha ah ayaa si dhaqsi badan lagu diyaarin karaa laguna ridi karaa, kaasoo ku dhici kara meelo badan oo ka tirsan Bariga Dhexe.

Waxyaabaha ugu badan ee ka yaabiyey khubarada Galbeedka waa gantaalaha kuruuska ah ee Iiraan, isda midka ay iyadu samaysatay ee Hoveyzeh. Wuxuu gaari karaa meel ka fog 1,300km (808 may), isagoo haadi kara iyada oo aan la ogaan.

Waxaa sidoo kale dad badan ka yaabiyey weerarkii bishii Sebtembar lagu qaaday shirkadda shidaalka Sucuudiga ee Aramco, taasoo ay Xuutiyiintu sheegteen, balse ay ka dambayso Iiraan.

Waxa ugu daranina, marka laga yimaado toogta saxan ee duqayntaas, waa sida ay uga dhuunteen raadaarrada gantaalaha Maraykan sameega ah ee Patriots.

Hadalsame Media