Qabiillo Soomaali ah oo qorsheeyay inay ”SHIDAAL qotaan” (Halkee ku shireen?)

0

(Hadalsame) 09 Jan 2020 – Carabta khaliijku waxay ku waallaan jireen baabuurka hoonkiisa. Marka ishaarada (traffic light) cagaar noqoto hal ilbiriqsi ayey kulligood hoonka ku taaban jireen iyagoo xasuusinaya kan u horreeya inuu ka dhaqaaqo.

Markii laabsalaaxa (smartphones) la helay, waxaad arkaysaa ishaaradii oo cagaar noqotay oo haddana casaan noqotay oo aan midkoodna ku baraarugin. Markay istaagaan ayey taleefanka wada eegaan oo geel is cayrsanaya iyo bariis iyo hilib baadiye lagu cunayo daawdaan.

Soomaalidu hadda waxay samaysteen Whatsapp group qabiil walba ku ciil baxo oo si hoose ay siyaasiyiintooda ugu waraystaan.

Taasi waxay xoogaa debcisay xanaaqii suuqa lala taagnaan jirey oo faraha la isku fiiq jirey.

Qolo walba iyadoo soo nafistay oo inay berri ”tuuladooda shidaal ka soo saaraan” ku soo heshiiyey ayey suuqa u soo dhaadhacaan marka waaba la wada faraxsan yahay khiyaaliba ha ahaadee.

Ku celin: Waa farxad dabcan dhaan dabagaalle ah waayo sidaa shidaal laguma soo saaro.

Subaxa internetku tago in la isku shiilmayo ka yaab.

Waxaa Diyaariyey: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media