”Sulaymaani, dad baa ku farxay geeridiisa, waayo wuxuu ahaa dhiigya cab diley 1 milyan oo Sunni ah!”

0

(Hadalsame) 08 Jan 2020 – Waxaa Bariga Dhexe ka taagan xiisad aad u kacsan oo ka dhalatay khaarajintii Sarreeye Guud Qaasim Sulaymaani oo hoggaaminayay Ciidamada Qudus oo ah kuwa ugu adag Ilaalada Jamhuuriga Iiraan.

Ninkan oo lagu tilmaamay ninka 2-aad ee ugu awoodda badan Iiraan, kaddib dabcan hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Khumayni, ayaa waxaa lagu kala qaybsan yahay wixii uu u taagnaa.

Dadka Sunniga ah ayaa waloow ay jiraan qaar mar kasta aan la dhacsanayn siyaasadda xoogga ku dhisan ee Maraykanka, waxay misna qaar badani geeridii Sulaymaani u arkayeen ”dhib ka haray!”

Faarax Macallin oo ah siyaasi u dhuun daloola umuuraha caalamka, gaar ahaan kuwa dunida Muslimka iyo Afrika ayaa Twitter-ka kusoo qoray sidan:

”Dadka ku dhaqan gobollada woqooyi ee Al Anbar, Diala & Salahdin ee Ciraaq, Sunniga Lubnaan iyo Suuriya waxay u dabbaal degeen geerida Jen. Sulaymaani. Yaman ayaa sidoo kale neeftu ka fuqday. Ninkani wuxuu birta ku leefay 1 milyan oo Carab Sunni ah.”

Hadalsame Media