”Haddii askari naga tirsan uu sankiisa dhiig ka yimaado, waxaan waydiinaynaa Imaaraadka!” – Turkiga & Iiraan oo u wada dhaartay Imaaraadka

0

(Ankara) 08 Jan 2020 – Weriyihii beri dhowayd sheegay in uu Imaaraadka Carabtu ka dambeeyo qaraxii Muqdisho, ayaa markale sheegay in Imaaraadku uu dagaal cad kusoo qaaday Turkiga.

Weriye İbrahim Karagül, oo faallooyin falanqayn u badan ku qora warqaadka Yeni Safak oo aad ugu dhow dowladda Turkiga, gaar ahaan Xisbiga Erdogan, ayaa aad u eedeeyay dhaxal sugaha Mohammad Bin Zaid al-Nahyan.

”Ninkani wuxuu geed fadhi u yahay ururrada argagixisada ee loo adeegsanayo Turkiga. Haddii uu dalkeenna ka dhoco weerar argagixiso isagaa ka dambeeya.” ayuu kusoo qoray Twitter-ka.

Wuxuu daba dhigay war u eg gooddin ku wajahan Imaaraadka Carabta isagoo yiri:

”Haddii uu dhiig ka yimaado sanka askari Turki ah oo ku sugan Libya, isaga ayaan waydiin doonnaa.”

Iiraan ayaa sidoo kale ku hanjabtey in Imaaraadku uu ka mid yahay meelaha ay duqayn doonto, haddii lacalla uu Maraykanku kasoo weeraro saldhigyada uu halkaa ku leeyahay.

Hadalsame Media