Shirkadda iska leh dayuuradda dhacday oo soo saartay war SHAKI muujinaya (Magacyada dalalka rakaabka dhintay)

0

(Kiev) 08 Jan 2020 – Sharikadda Ukraine International Airlines ayaa sheegtay in dayuuraddeeda ka duushay Tehraan ay markiiba dhacday, taasoo ay ku dhinteeyn 176 rakaab ah oo saarnaa iyo shaqaaleheedii aanay wax cillad ah qabin, welibana ay ka mid ahayd kuwa raxantooda ugu wanaagsan.

Dayuuraddan oo ay UIA ku shaqo bilowday 2016-dii, ayaa ahayd nooca Boeing 737-800 waxayna ku sugnayd “xaalad aad u wanaagsan” iyadoo dayactirka joogtada ah lagu sameeyay 2 maalmood uun kahor intii aanay ka duulin Kiev, sida uu sheegay Madaxwaynaha shirkadda Evgeny Dykhne, oo dayuuradda dhacday ku tilmaamay “mid ka mid ahayd kuwa ugu fiicnaa.”

Dhanka kale, Iiraan ayaa iyaduna sheegtay in dayuuraddani aanay iska dhicin balse ay u ”badan tahay in la toogtey” isla markii ay kacday.

Waxaa la sheegay magacyada dalalka ay u kala dhasheen 176 rakaab ah oo saarnaa diyaaradda UIA kuwaasoo u kala dhashay wadamad:

82 Iraaniyiin ah
63 Canadian ah
11 Ukrainian
10 Sweden
4 Afghanstan
3 Germany ah
3 Biritish ah

Hadalsame Media