Somaliland oo Sucuudiga ku eedaysay inay ”midab takooreen”

0

(Hargaysa) 08 Jan 2020 – Maamulka Somaliland ayaa ka carootey in laga reebay isbahaysi ay Sucuudigu sameeyeen oo ay ku midoobeen dalalka Carabta iyo Afrika ee deggan daamaha Badda Cas.

Somaliland ayaa ku doodday in shirka laga reebay balse ay leedahay xeebta 2-aad ee ugu dheer dhanka Gacanka Cadmeed ee Badda Cas, sida ay ku doodday.

Wasaarad Dibadeedka Somaliland oo isu aragta dal aan ka tirsanayn Somalia, oo iyada shirkan lagu casuumey, ayaa sheegtay inaanay aqoonsanayn isbahaysigan oo aan aqoonsanin madax banaannideeda, xuduudaha gayigeeda iyo muhiimadeeda istaraarijiyadeed, sida ay ku doodeen Somaliland oo sheegtay in la midab takooray.

Hadalsame Media