Iiraan oo calaamaysatey saldhigyada & dalalka ay Ciidamada Maraykanku ka joogaan Bariga Dhexe & Afghanistan

0

(Tehraan) 08 Jan 2020 – Waxaa Bariga Dhexe oo aan wax nabad ah oo buuxda aqoonin tan iyo 1940-meeyadii, mar kale ka aloosan xiisad keeni karta dagaal furan oo lagu hoobto.

Xiisaddan cusub ayaa bilaabatay kaddib markii ay Jimcihii Maraykanku khaarajiyeen Taliyihii Ciidamada Qudus ee Iiraan, Sarreeye Guud Qaasim Sulaymaani.

Haddaba, Iiraan ayaa xalay gantaalaha baalistigga ku weerartay saldhigyo ay deganaayeen ciidamada Maraykanka, wax loo qaatay boowdo qaawin awoodeed.

Dhanka kale, waxaa jira war sheegaya inay Iiraan ku hollan tahay sidii ay ku heli lahayd gantaallo si toos ah u gaari kara ciidda Maraykanka.

Dhankale, waxaa Iiraan haatan u calaamaysan saldhigyada ay Maraykanku gobolka ka joogaan, kuwaasoo ay gantaallo badan la gaarto.

Haddaba arag tirada iyo dalalka ay Ciidammada Mareykanku ka joogaan Bariga Dhexe & Afghanstan:

1. ?? Afghanistan – 12,000
2. ?? UAE – 5,000
3. ?? Qatar – 10,000
4. ?? Saudi Arabia – 3,500
5. ?? Bahrain – 5,000
6. ?? Kuwait – 16,000
7. ?? Iraq – 6,000
8. ?? Syria – 1,000
9. ?? Jordan – 3,000
10. ?? Oman – 500

Hadalsame Media