Iiraan oo iyada oo aan hal xabbo ridin hareeraysay Sunniyiinta Carabta (Sucuudiga oo aano hore galay!)

0

(Hadalsame) 09 Jan 2020 – Wadanka Ciraaq oo Maraykan-ku xoog ku qabsaday 2003-dii ayaa iminka u muuqda inuu ka baxay gacantii Mareykanka lkn uu si buuxda ugalay gacanta Iran.

Dilkii ninkii 2aad ee Iran ugu awoodda badnaa oo gantaalo maraykanku 2 maalin kahor ku dileen turaabta Ciraaq waxay dhalisay in Baarlamaan-ka Ciraaq ku dhawaaqo bixinta ciidamada ajaanibtaa kadibna ciidamada Ciraaq maanta ku dhawaaqeen in la saaro ciidamada ajnabiga.

Qabsashada Ciraaq Maraykanka waxay ugu kacday 100,000$ daqiiqadiiba waa sida ay baahiyeen war baahintoodu, waxaad kaloo xasuusataan sida dagaalkaasi usaameeyey dhaqaalaha Aduunka sanadihii uu socday waxaase intaas sii dheer inay USA ay ku waayeen askar ka badan 8000.

Maraykanku Ciraaq waxay ka dhisteen safaaradooda caalamka ugu weyn qorshahana kuma darsan in maalin uun looga adkaan doono gacan ku haynta Ciraaq.

Qaasim Suleimani dilkiisa waxaa horey udiiday G.W Bush, kadibna waxaa diiday Obama, Trump ruuxiisu horey waa udiidanaa Laakiin go’aanka dilkiisa wuxuu qaatay Khamiistii ka horaysay maalinta la dilay.

Dilka Suleimani wuxuu Mareykanka ku noqday lacnad burburisay wax badan oo ay horey usoo dhiseen waxayna soo dedejisay in hada laga fekerayo in bariga dhexe reer galbeedku isaga guuraan uuna qalqal galo amniga marinka Hurmuz oo aad ugu dhow biyaha Iran waana dariiq shidaalka caalamka 70% maraan.

Moosaat oo ah sirdoonka Israël waa kuwa Maraykanka ku qalqaaliyey dilka General-ka oo ahaa nin yuhuudu dhowr mar dilkiisa ku fashil meen waana la qiyaasi karay natiijada ka dhalan kartay dilka ninkaas, laakiin Yuhuuda uma muuqan wax ay iyagu qasaarayaan oo ay dilkiisa uga joogsadaan waxaase laga yaabaa inshaAllah in dabaysha Ciraaq ka dhabatay ay Falastiin sii marto.

Hadii siyaasaddu kaa xumaato wax aad mudo dhisaysay ama rag kaa horeeyey dhiseen ayaad waqti kooban ku burburinaysaa waana mida Trump sameeyay.

Qasim Suleimani waa ninkii hogaaminayey dagaalada lugu xasuuqay malaayiin Suniyiin Ciraaq, Syria, Yeman iyo Lubnaan waana ninka mad’habka xag jirka ah ee shiicada u gacan geliyey wadamo badan oo sunni ahaa sida kuwa aan soo sheegay iyo Baxrein iyo Kuwait , waxaanse la hubin in is ballaarin taas Shiicadu joogsanayso, Maraykanka iyo Israel-na ay nabad ku hurdayaan, maadaama xilkii uu banneeyey loo magacaabay Qa’aani oo asaga ku xigay kana sii xag jirsan.

Dhanka kale, cabsidu waqtigaan waxa ay 100-ka taagan tahay Sacuudiga oo u muuqda inuu u darsaday AUN Saadaam Xuseen oo waagii hore ka hortaagnaa awooda Shiicada balse ay iyagu dhabar jabiyeen markii ay xulufada Mareykanku ku duushay, maalin Arafo ahna hortooda lagu qashay iyagoo ku faraxsan, waayoo maanta Ciraaq oo ay xuduud wadaag yihiin ayey shiicadu gacanta ku dhigtay, sidoo kalena Yaman oo ay ku xoogan yihiin Xuutiyiinta Shiicadu taageerto ayey isna xuduud wadaagaan, Shiicaduna labadaa xuduud waxey doonto ayey ka sameyn kartaa, waana taas welwelka maanta Sacuudiga ka soo saaray hadalka ah “Iran iyo Mareykanku waa ineysan tilaabo dagaal ku dhaqaaqin”

Ugudambeyn, Sunniyiinta Bariga dhexe xaal koodu waa inay kala doortaan in maanta Maraykan ku bireeyo midida gacanta lugu hayo ama ay doortaan in Shiico berri ku bireeyaan midida dhulka taal.

Diyaariye: Cabdullahi

Hadalsame Media