HAYAAY! Ruushka oo ka digey in haddii ay sii socoto xiisadda Maraykanka-Iiraan ay keeni karto dagaal nukliyeer ah

0

(Moscow) 08 Jan 2020 – Siyaasi Ruushan ah ayaa ka digey in tillaabooyinka middi middi ku taagta ah ee Maraykanka iyo Iiraan ay horseedi karaan dagaal furan, kaddib markii ay Iiraan xalay qaadday tillaabo ay ugu aargudayso Qassem Soleimani.

Vladimir Dzhabarov, oo ah xildhibaan ka tirsan Krelmin-ka Ruushka ayaa sheegay inay arrintani dunida gayaysiin karto dagaal nukliyeer, isagoo ku baaqay in xiisadda la qaboojiyo, kaddib weerarkii Iiraan ee xalaytoole.

Iiraan ayaa xalay weerartay saldhigyo uu Maraykanku ku leeyahay Ciraaq, sida midka cirka ee Cayn Asad, oo ay la dhacdey gantaalaha baalistigga.

Iiraan ayaa ka dhiidhinaysa dilka lala yaabay ee Sarreeye Guud, Qassem Soleimani oo Jimcihii lagu diley bannaanka garoonka Baghdad.

Dad badan ayaa qaba in haddii ay arrintani sii socoto ay dhali karto dagaal furan oo ay soo galaan cududo waawayn oo ugu yaraan Maraykanka uga aarsan kara si dadban iyo xitaa dalalka gobolka oo dagaallama, taasoo keeni karta dagaal lagu hoobto.

Hadalsame Media