”Intaa ugama hari doonno!” – Iiraan oo wacad ku martay tillaabo kale oo ay Maraykanka ka qaadayso! (Daawo)

0

(Tehraan) 08 Jan 2020 – Iiraan ayaa sheegtay in hammigeeda ugu dambeeyaa uu yahay inay Maraykanka ka cayriso gebi ahaanba gobolka Bariga Dhexe, taasoo qura ayaana aargudasho ugu filan khaarajintii Qassem Soleimani, sida uu sheegay MW Hassan Rouhani.

Soleimani ayaa la sheegay inuu muddo dheer la dagaallamayey kooxo ay ka mid tahay Daacish, sidoo kale Al Qaacida iwm, yadoo uu Ruuxaani tweet gareeyay in dalalka Yurub ay “xilligan halis wayn ku jiri lahaayeen” haddii aanay ahaateen dadaallada ninkaa la diley.

“Jawaabteenna ugu dambaysa ee aannu ka bixinayno khaarajintii Sulaymaani, waa in aannu gobolka oo idil haraati uga saarnaa Maraykanka,” ayuu wacad ku maray.

Iiraan ayaa xalay weerartay saldhigyo uu Maraykanku ku leeyahay Ciraaq, sida midka cirka ee Cayn Asad, oo ay la dhacdey gantaalaha baalistigga, iyadoo waloow uu Maraykanku sheegay inaysan waxba kasoo gaarin uu Ayatollah Ali Khamenei tillaabadaa ku tilmaamay “dharbaaxo wejiga uga dhacday” Maraykanka.

Hadalsame Media