MACALLINKEYGII MAXAA KU DHACAY? ”Xitaa kuma faani karo inaad mar macallin ii ahayd!” – Farriin ku socota Xil. Fiqi

0

(Muqdisho) 08 Jan 2020 – Waan ka xumahay inuu qoraalkaan soo qoray xildhibaan dad matala, aqoon maadi iyo diinba leh, sidoo kale bulsho nuuc walba leh ugu fadhiya kursi.

Mararka qaar mucaaradnimada maahan iney kugu hagto inaad ilowdo xilka ku saaran, dareenka la rabo inaad muujiso, hadalka macaan ee dadkaaga wax u taraya, xiliyada haboon in qof wax laga sheego iyo damiirka ay tahay in la muujiyo wakhtigaan.

Waxaad ii tahay waalid aan tixgeliyo maadaama aad ii noqotay waqti bare am macalin, laakiin kuma faani karo inaad ii soo noqotay waayo dad kale dartiis ayey kaaga sii guurayaan wax walba oo aad laheyd.

Ixtiraamkii, damiirkii iyo inaad tahay qof matala dad dhiban waxaa ku ilowsiiyay dagaal aad qolo gaar ah kula jirto. Iga raali noqo macalinkeygii aan ixtiraami jiray balse ay xaaladuhu damiirka ka qaadeen.

Yaan la ii fahmin inaan leeyahay muxuu mucaarad u yahay? Ha is dhihin inaan leeyahay muxuu dowladda iyo hay’adaha shaqadooda tahay arintaan u kululeynayaa?

Balse Qofka masuuliyadda haya waa inuu garto masuuliyadda uu haayo, cidda uu u hayo, wakhtiga ay tahay in la xisaabtamo, xiliga ku haboon in hadal nuucaan ah baraha bulshada lagu soo qoro.

Waxaan rajeynayaa macalinkeygiyow inaan ku arko adigoo sidii hore ah, kaama aqoon badni, kaama karti badni, kaama caqli badni, kaama naxariis badni, balse waxaan hubaa iney duruufaha ku badaleen.

Mararka qaar damiirka ayaa qofka ka hadashiiya, wixii gaf ah oo aan geystay wan ka cudur daaranayaa.

Hadaad gadaal ka aragto qoraalkaan u fahan inaan soo qoray xilli qarax uu dhacay, dhiigga shacabkana daadanayo.

FG: Qurux badnaan laheydaa in macalinkeyga ay gaarto fariinteyda.

MAHADSANIDIIN.

Waxaa Qoray: Cabdirashiid Maxamuud Nuur

AFEEF: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media