Maraykanka oo soo dhoweeyay laba tillaabo oo ay qaadday DF Somalia

0

(Muqdisho) 08 Jan 2020 – Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa soo dhoweysey meel marinta Sharciga Duulista Rayidka ee Somalia.

Safaaradda Maraykanka ayaa kaddib markii ay Baarlamanka ugu hambalyaysay ansixinta Xeerka Duulista Rayidka ee Civil Aviation Act, waxay sidoo kale sheegtay inuu Danjire Donald Yamamoto la dhacsan yahay dib u habaynta iyo kor u qaadista lagu sameeyay amaanka Garoonka Aden Adde International Airport ee Muqdisho.

Waxay sidoo kale Maraykanka oo sheegay inay tillaabadaa taageero ka gaysteen ay dhanka kale sheegeen in lasii wado hagaajinta maamul wanaagga iyo dhismaha kaabayaasha dalka, si ay sare ugu qaaddo dhaqaalaha Somalia.

Hadalsame Media