DEG DEG: Iiraan oo gantaallo ku hoobisey saldhig ay deggan yihiin ciidamada Maraykanku

0

(Tehraan) 08 Jan 2020 – Tehraan ayaa ugu yaraan “toban” gantaal ku weerartay saldhigga cirka ee Al-Asad oo ay Ciidamada Maraykanku ka deggan yihiin dalka Ciraaq, sida uu sheegay TV-ga dowladda Iiraan.

Hilinka ayaa gantaalaha lagu hoobiyey saldhigga ku tilmaamay mid loogu aargudayl dilkii Qaasim Sulaymaani.

Xoghayaha Warfaafinta ugu qaybsan Aqalka Cad, Stephanie Grisham ayaa iyadna sheegtay inay arrinta ka war qabaan waxa dhacay.

“Madaxwaynaha waa lagu wargeliyey arrinta wuxuuna si dhow ula socdaa arrinta isagoo la tashanaya kooxda amaanka qaranka,” ayay tiri.

Weli lama oga inta uu la egyahay khasaaraha dhacay iyo jawaabta ay ka bixin doonaan Maraykanku.

Hadalsame Media