MW Ruushka oo booqasho ka yaabis ah ku tegey magaalada Dimishiq, Suuriya

0

(Dimiqish) 07 Jan 2020 – Saacado uun kaddib markii uu howlo kasoo qabtay magaalada St. Petersburg, MW Ruushka ee Vladimir Putin ayaa ka degey magaalada Dimishiq oo uu ku tegey booqasho aan lasii shaacin, xilli ay gobolka ka oogan tahay xiisad u dhexeeysa Maraykanka iyo Iiraan.

Putin ayay booqashada Dimishiq u noqonaysaa tiisii ugu horreeysey tan iyo markii uu qarxey dagaalka sokeeye ee dalkaasi 2011-kii.

Waxaa garoonka ka gelbiyey ciidamada dalkiisa oo geeyay xarun ciidan oo ay halkaa ku leeyihiin, waana meesha uu kula kulmay MW Suuriya ee Bashar Assad.

MW Ruushka ayaa dhiggiisa Suuriya kulankaa ugu sheegay in “astaamaha nolol nabdoon lagu arki karo jidadka Dimishiq,” sida laga soo xigtey afhayeenka Kremlin-ka ee Dmitry Peskov.

Wuxuu kaloo sheegay in haatan la oran karo “waxaa horumar wayn laga sameeyay dhanka soo celinta qarannimada iyo madax bannaanida dhuleed ee Suuriya.”

Assad oo ay ciidamadiisu kaalmo kala duwan ka helaan kuwa Ruushka ayaa Putin iyo Ruushka uga mahad celiyay taageeradooda, iyagoo caawinayey tan iyo Sebtembar 2015-kii.

Labada nin ayaa isla daawaday muuqaal ka warbixinaya xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka Suuriya oo ay ka mid tahay dagaallada gobolka Woqooyi Galbeed ee Idlib oo ay haystaan kooxo argagixiso ah oo xiriir la leh Al Qaacida.

Hadalsame Media