SAWIRRO: Turkiga oo samaystay TAANGI-DILE casri ah (Ciidamada oo durba lagu qalabeeyay)

0
Taangi dilaha OMTAS

(Ankara) 07 Jan 2020 – Ciidamada Turkiga (TSK) ayaa lagu qalabeeyay hub casri ah oo ah nooca taangi dilaha ah oo dalkaa lagu sameeyay, sida ku cad heshiis dhex maray Ciidamada Xoogga dalkaasi, madaxa dalladda wershadaha hubka farsameeya (SSB) iyo qandaraasleeyda Wasaaradda Gaashaandhigga (FNSS).

Waxaa Ciidamada la siiyey gawaarida gaashaaman ee Kaplan iyo Pars, oo ah raca ugu horreeya gaadiidka lagu heshiiyay inay ciidamada la siiyo, iyadoo munaasabad lagu wareejinayo lagu qabtay degmada Gölbaşı ee caasimadda Ankara.

Heshiiska ayaa dhigaya in ciidamada la siiyo guud ahaan 260 taangi dile, kuwaasoo 184 ka tirsani ay yihiin nooca siliska leh, halka 76 xabbo ay taayaraysan yihiin iyadoo 64 gantaal oo ah taangi dilaha Kornet E ciidamada la siinayo 2022-ka, kuwaasoo ay wehliyaan 196 madfaca ridada dhexe ee OMTAS oo laftiisu taangi dile ah.

Turkiga ayaa aad u xoojiyey wax soo saarka maxalliga ah ee dhanka difaaca 15-kii sano ee ugu dambeeyay, tusalee ahaan tirada mashaariicda difaacu waxay ahaayeen 66 mashruuc 2002-dii, balse haatan waxaa dalkaa ka socda 700 oo mashruuc oo ay ku baxayso $60 bilyan oo doollar.

Taangi dilaha OMTAS
Kaplan anti-tank

Hadalsame Media