Netanyahu oo si lama filaan ah u KASHIFAY sir qaran oo ay aad u ilaaliso Israel

0

(Tel Aviv) 07 Jan 2020 – RW Israel ee Benjamin Netanyahu ayaa u muuqdey mid si kama’ ah u bixiyey sir qaran oo aad u culus oo ku saabsan awoodda nukliyeer ee dalkiisa, mar uu hadlayey Axaddii.

Mr Netanyahu ayaa dalkiisa ku tilmaamay “cudud nukliyeer” jeer uu la hadlayey Golihiisa Wasiirrada, isagoo deeto isku saxay dhoollcaddayn yax yax leh.

Israel ayaa si kastaba la aaminsan yahay inay leedahay hubka nukliyeerka balse weligeed afkeeda kama qiranin mana beenin inay haysato, taasoo ah moowqif istaraatiji ah oo qaran isla markaana ku tala gal ah.

Xilli uu akhrinayey heshiis ku qornaa afka Cibraaniga oo ay la gaareen Giriigga iyo Qubrus kaasoo ku saabsan tubbo gaaska qaadda oo badda hoosteeda mareeysa, wuxuu Mr Netanyahu yiri: “Muhiimadda mashruucani waa in aannu Israel u rogeeyno awood haysata hubka nukliyeerka.”

Wuxuu deeto markiiba saxay carrabkiisa sibxaday, isagoo warkii u bedeley “awood dhanka tamarta ah” isagoo in yar aamusay kaddibna sii watay khudbadiisa.

Hadalsame Media