Kelmadda ”Insha Allah” oo lagu daray Qaamuuska Jarmanka

0

(Berlin) 07 Jan 2020 – Kelmadda Inshallah, oo ka dhigay “Haddii ALLE doono,” ayaa lagu daray Qaamuuska Jarmanka ee Duden – kaasoo nuxur ahaan la mid ah Merriam-Webster-ka dalkaasi.

Erayga ayaa qaamuuska loogu qoray qaab ka tarjumaya dhawaqa Jarmanka oo ah “inschallah,” iyadoo lagu qoray fasiraad sax ah oo ku aaddan micnaha iyo ujeedka erayga oo sheegaya wixii dhici kara timaadada.

Germany, oo ah dal ay ku nool yihiin 81 milyan oo qof, ayaa waxaa ku nool Muslimiinta 2-aad ee ugu tirada badan galbeedka Yurub kaddib Faransiiska.

Waxaana Muslimiinta dalkaasi oo lagu qiyaaso 4.7 milyan, 3 milyan oo ka tirsani ay kasoo jeedaan dalka Turkiga.

Qaar badan oo dadkaa ka tirsanina waa jiilkii 2-aad ama 3-aad ee aabayaashii dalkaa u haajirey sanadihii 1960-meeyadii.

Hadalsame Media