DEG DEG: Shiinaha oo walaac amaan dartii u hakiyey dhismihii Dekedda Lamu

0

(Lamu) 07 Jan 2020 – War haatan kasoo baxaya dalka Kenya ayaa sheegaya inay Shiinuhu hakiyeen howlihii dhismaha dekedda ugu wayn dalkaasi ilaa amar dambe.

Ilaa 2,000 oo ka mid ah shaqaalihii dhismaha ka wadey dekedda Lamu Port ee aadka ugu dhow xadka Somalia ayaa xaafodohoodii loo diray, iyadoo loo cuskanayo walaac amaan kaddib weerarkii argagixiso ee Manda-Magogoni.

Dhismaha dekeddan ayaa aad muhim ugu ah dhaqaalaha Kenya. Bishii Oktoobar, Kenya ayayna soo afjartay terminaalkii 1-aad oo ay ku baxday Ksh32 bilyan oo shilin ($320 million) oo laga dhisay Lamu Port, waxaana bilowday dhismaha terminaalka 2-aad.

Kenya ayaa guud ahaan doonaysa inay Lamu Port ka dhisto 32 terminaal, iyadoo sheegtay inay kaga sara mari doonto tartanka dekedaha laga dhisayo min Bab el-Mandab (oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed), iyo Badwaynta Hindiya min Muqdisho ilaa Maputo (Mozampique), waa sida qoraalka loo dhigaye.

Hadalsame Media