DEG DEG: Ciidamada Britain oo ka cabsanaya weerar aargudasho ah (Qorshe lama filaan ah oo laga doodayo)

0

(London) 07 Jan 2020 – Ciidamada Britain ayaa heegan sare la geliyey maanta iyadoo laga cabsi qabo inuu weerar aargudasho ihi uga yimaado dhanka dalka caraysan ee Iiraan.

RW dalka Britain ee Boris Johnson ayaa maanta Golihiisa Wasiirrada la yeelanayo wada hadal ku saabsan xasaradda oogan, wuxuuna sheegay inay dhici karto inay ciidamadooda kasoo daad guraystaan gobolka.

RW Britain ayaa ka mid ah madaxda reer Galbeedka ee aad iskugu dayaysey in xiisadda la qaboojiyo kaddib markii uu Maraykanku si lala yaabay u khaarajiyey Sarreeye Guud Qassem Soleimani oo uu ku diley agagaarka Garoonka Baghdad.

Tehraan ayaa ku gooddisey inay aargudan doonto, tiiyoo aan meesha laga saari karin in ciidamada Britain ay qayb ka noqon karaan bartilmaameedyada idman.

Xitaa xa doodista in ciidamada Britain lasoo daad gureeyo ayaa waxay muujinaysaa xaddiga iyo qaayada xaalka cakiran ee iminka taagan.

Iiraan ayaa sheegtay inay u calaamaysan yihiin ilaa 35 bartilmaameed oo ay gaari karaa, iyadoo uu Donald Trump ku gooddiyey inuu garaaci doono 52 bartilmaameed oo ay ku jiraan xarumo dhaqameed, taasoo ah ku gooddinta wax sharciyan noqonaya dembi dagaal.

Hadalsame Media