Maraykanka oo war kasoo saaray xog sheegaysey inuu iskaga baxayo dalka Ciraaq

0

(Washington, DC) 07 Jan 2020 – DF Maraykanka ayaa caddaysay inaanay ciidamadeeda kala bixi doonin dalka Ciraaq, sida uu caddeeyay Wasiirka Gaashaandhigga, Mark Esper oo saxaafadda kula hadlay Pentagon.

Warkan ayaa waxaa soo dedejiyey war hore oo sheegayey in waraaq ka timid Sarreeye Guuto William H Seely III oo ka tirsan US Marine Corps, kuna socotey Ciidamada Ciraaq ay bixinaysey farriin u eg inuu Maraykanku iskaga baxayo dalka Ciraaq.

“Ma jiro wax go’aan ah oo ku saabsan in aan ka baxno Ciraaq, mana jirto arrintaasi. Joogsi,” ayuu Esper u sheegay saxaafadda.

Baarlamanka dalka Ciraaq ayaa beri dhowayd u codeeyay qaraar ku aaddan inay DF Ciraaq ay Maraykanka ka codsato inuu dalka ka boxo, kaddib markii uu ku xadgudbey heshiis uu kula jirey DF oo ahaa inuu tababar siinayo ciidamadeeda isla markaana ka taageerayo saanadda, kaddib markii uu diley laba sarkaal oo muhim ka ah Ciraaq iyo Iiraan.

Hadalsame Media