DF Somalia shaqo la’aan miyaa haysa oo wax ay qabato ayay la’dahay?!!

0

(Hadalsame) 07 Jan 2020 – Dowladdeenna shaqo la,aan miyaa heysa? Dhismaha sawirkiisa hoos ka muuqdo wuxuu ku yaalaa magaalada Kigali ee dalka Rwanda waxaana loogu talo galay in uu haado masrax ruwaayadaha lagu dhigo iyo garoon lagu ciyaaro teeniska iyo kubadda kolayga.

Garoonkan wuxuu qaadaa 10,000 oo qof wuxuuna ku fadhiyaa dhul baaxadiisu dhan tahay 28,000 mitir oo jibbaaran.

Dhismaha mashruucan wuxuu qaatay lix bil oo kaliya.

Hadaba maxay ka dhigan tahay in maalmaha xoriyada oo ay lix bil ka harsantahay in la magacaabo gudi qaban qaabo oo 60 xubnood ah kuwaas oo qarash iyo waqti uu ku baxayo?

Hadii lix bil xoogga la saaro qorshe amaan oo cad dad badan ayaa aamisan in xaalada amaan wax laga badali karo.

Waxaa Qoray: Maxamed Dhoorre

Hadalsame Media