3 astaamood oo lagu garto bulsho fashilantay (Imisa ayaa ka muuqata Soomaalida?!)

0

(Hadalsame) 07 Jan 2020 – Ummadaha fashilmay isla markaana asaaggood ka habsaamay waxaa ku dhaca qab-jab saameyn weyn ku yeesha dareen wadareedkooda. Saameyntaas waxaa lagu gartaa 3 astaamood oo iskaabaya:

1. Shirqool/Mu’aamarad/Qoonsi (Conspiracy)

Ummaddu waxay dhib walba oo ku dhaca ka dhex aragtaa shirqool loo maleegay si asaaggeed looga reebo. Waxay ku isku xirxirtaa dhacdooyin khayaali ah, waxayna kasoo saartaa natiijo muujineysa in loo tashaday.

2. Eed iska rogid

Ummadda fashilantay waxay eedaheeda oo dhan u saarisaa duul kale oo ay ugu horreeyaan dalal shisheeye (gaar ahaan kuwa uu kala dhexeeyo loollanka siyaasadeed). Ummaddu waxay iska fogeysaa inay dusha u ridato masuuliyadda dhibka iyo fashilka ku habsaday, sida Qur’aanka Kariimka ahi noo sheegay.

3. Xaasidnimo

Ummadda fashilantay waxaa ra’sulmaalkeeda kasoo hara xaasidnimo iyo quuriwaa dhaxdeeda ka aloosma. Horumarka qof ama koox kale gaarto waa laga wada naxaa. Jabka iyo fashilka ayaa noqda halbeegga la isla oggol yahay. Ciddii ka sara martana, wadajir ayaa loola dagaallamaa.

Sifyooyinkaas waxaan had iyo goor ku arkaa dalalka Carabta oo aan qayb ahaan wax ku bartay, kana shaqeeyay muddo dheer. Waa ummad wada cuqdadeysan, kalsooni darrana dilootay.

Ma hubo in Soomaalidu astaamahaas kulansatay; balse waxaa nagu xoogeysanaya astaamaha 1 & 2. Qaran-jabka nagu dhacay, iyo qab-jabka ka dhashayba waxaad arkeysaa iyadoo shirqool loo arko, dad kalena lagu eedeynayo.

Waxay ila tahay inaan qiranno inaan innagu horseednay fashilka, xalkuna uu dhaxdeenna uun ku jiro.

Wabbillahi Towfiiq.

Waxaa Qoray: Cabdiraxmaan Caynte, Wasiirkii Iskaashiga Caalamiga ah ee DF Somalia

Hadalsame Media