Imaaraadka Carabta oo ku dhaqaaqay arrin muujinaysa inuu JILCAY!

0

(Dubai) 07 Jan 2020 – Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum, oo ah Madaxwayne Xigeenka iyo RW Imaaraadka Carabta, ahna ninka ka taliya Dubai, ayaa daboolka ka rogey in fiisaha Imaaraadka haatan wixii ka dambeeya loo soo saari dooni isagoo 5 sano ah.

Maanta laga bilaabo waannu bedelney nidaamkii, annagoo muddada fiisaha dalxiiska 5 sano gaarsiinney, si ay siyaabo kala geddisan ugu adeegsadaan dhamaanba dadyoowga ka imanaya caalamka oo idil, ayuu soo tweet gareeyay Sheikh Mohammed.

”Waxaa sanad kasta Imaaraadka usoo dalxiisa 21 milyan oo qof waxaan se doonaynaa inaan Imaaraadka ka dhigno goob dalxiis oo caalami ah, 50-ka sano ee soo aaddan.” ayuu yiri.

Kulan ay yeesheen Golaha Wasiirrada Imaaraadka oo go’aankan laga soo saaray ayaa lagu sheegay in sanadkan 2020 ay Imaaraadku diyaarinayaan naqshadaynta mustaqbalka iyo qorshaha 50-ka sano ee soo aaddan.

Qorshahan ayay Imaaraadku ku doonayaan inay kusoo jiitaan dalxiisayaal badan, jeer uu hoos u dhac ku yimid dalxiiska iyo dhaqaalaha dalkaasi, kaddib markii uu faraha la galay arrimo aan horay looga baran, taasoo u sawirtay sidii dal qaswade ah, waxaan sidoo kale caawinaynin xiisadda Maraykanka iyo Iiraan oo isaga deris la ah.

Hadalsame Media