Maraykanka oo ka digey weerar nooc cusub ah oo ka dhici kara hawada Kenya

0

(Nairobi) 01 Jan 2020 – Hay’adda Maamusha Duullimaadka Maraykanka ee FAA, ayaa dayuuradaha dalkeeda u digtey si ay u sameeyaan “taxaddar dheeraad ah” marka ay adeegsanayaan hawada Kenya oo ay sheegeen inay weerarro kala kulmi karaan kooxo xag-jir ah.

“Waxaa dayuuradaha rayidka ah lagula talinayaa inay aad u taxaddaraan marka ay u duulayaan, ka duulayaan, ama dhex duulayaan hawada Kenya jihada 40 digrii Bari, isla markaana ay ku duulayaan joog ka hooseeya fl260 weerarro argagixiso oo dhici kara dartood.” ayaa lagu yiri digniinta kasoo baxday FAA.

FAA ayaa sheegtay inay digniintani taagnaan doonto ilaa Febraayo 26-keeda sanadkan, markaasoo dib u eegis lagu samayn doono.

“Dayuuradaha ayaa la kulmi kara weerar uga yimaada qoryaha lidka dayuuradaha oo ay ku jiraan kuwa garbaha laga tuuro, kuwa yar yar iyo kuwo aan toos ahayn oo laga soo ridi karo madaafiicda goobta sida hoobiyaha, kuwaasoo bartilmaameedsan kara dayuuraha ku socda joogga hoose, xilliyada degitaanka iyo duulitaanka,” ayay raaciyeen.

Dad badan ayaa digniintan u qaatay mid uu Maraykanku u adeegsanay siyaasado isaga u gaar ah oo uu markaa ka leeyahay dalka uu ka hadlayo, isagoo ku cid gala ama saamayn ku raadiya la dagaallanka kooxo uu magacyo kala duwan u bixiyo oo uu isla isagu sheegtay inuu sameeyay.

Hadalsame Media