Dhacdo dhabana-hays leh oo naadir ah oo Itoobiya ka dhacday & dadka oo ka naxsan!!

0

(Tegede, Gondar) 01 Jan 2020 – Lix carruur ah oo lagu afduubtay woqooyiga Ethiopia ayaa toogasho lagu diley, kaddib markii ay qoysaskoodu ku guul darraysteen inay bixiyaan madax furasho la waydiiyay, sida ay saxaafaddu sheegayso.

”Burcad aan la aqoonin” ayaa 8 carruur ah ka afduubtay meel u dhow magaalada Gondar ee gobolka Amxaarada 20-kii Diseembar, iyagoo deeto qoysaskooda ka dalbaday inay bixiyaan min 120 000 oo ah Birta Ethiopian-ka (qiyaastii $3 700), sida ay sheegtay Amhara Mass Media Agency.

“Kaddib markii lacagtii la bixin waayay, afduubayaashii waxay carruurtii xarko ugu xireen laba laba, kaddibna waa toogteen 29-kii Diseembar,” ayay tiri warbixintu.

Mid ka mid ah carruurta ayaa baxsaday inta xariggii iska furay, halka mid kale nolol loogu tegey, tiiyoo ay jirto in la toogtey.

Dhibbanayaasha ayaa wada ah da’yar u dhaxaysa 10-16 sano jir, Booliiska maxalliga ihina weli sooma helin cidda dembigan ka dambaysa, iyadoo isla masaajid gobolkaa lagu gubey lagu eedeeyay inay isla Booliisku ku eegteen.

Afduubka iyo dembiyada kale ayaa iminka aad ugu badan Tuulada Tegede, oo ah meesha ay arrintani ka dhacday, balse dilka iyo afduubka ciyaalka ayaa ah dhacdo naadir ah.

Hadalsame Media