Kalluun kusoo caariyay Muqdisho oo farta ku godaya Xerada Xalane (Dowladda oo baaritaan bilowday)

0

(Muqdisho) 01 Jan 2020 – DF Somalia ayaa baaritaan ku bilowday duruufaha keenay in kalluun fara badan oo yar yari uu kusoo caariyo xeebta Muqdisho ee ku beegan Xerada Xalane.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga  Mohamud Sheikh Abdullahi ayaa warbaahinta u sheegay inay Wasaaraddu baarayso waxa sababay dhimashada kalluunkan oo badiyaa ahaa nooca ay dabatadu u adeegsadaan can-tallaalka.

Sida uu sheegay Abdullahi, kalluunkan yar yar ee ay Soomaalidu u taqaanno Caydiga, ayaa kusoo caariyay xeebta Xalane oo ay saldhigtaan AMISOM iyo hay’aadka caalamiga ah, balse meel kale laguma arag cilladdaas.

Dowladda ayaa sidaa darteed baaraysa duruufaha keenay dhimashada kalluunkan.

DF Somalia ayaa sanadkii tegey ee 2019 soo saartay shatiyadii ugu horreeyay ee kalluumaysi kaddib sanado badan oo kalluumaysi sharci darro ah, taasoo weli socota, iyadoo dowladda lagu dhaliilay inay iska gashay heshiisyo aysan ka fikirin sida kuwa la siiyay Shiinaha.

Hadalsame Media