DEG DEG: Ciidamada Maraykanka & dibed baxayaasha Ciraaqiyiinta ah oo ay ka tafatay! + Muuqaal & Sawirro

0

(Baqdaad) 01 Jan 2020 – Ciidamada Maraykanka ayaa sunta dadka ka ilmaysiisa u adeegsanaya kala cayrinta dibed baxayaal cunfi ah oo hor dhoobaan Safaaradda dalkaasi ee caasimadda Baqdaad, Ciraaq.

Waxay arrintani imanaysaa maalin uun kaddib markii ay kumannaan dibed baxayaal ihi shalay isku dayeen inay gudaha ugu daataan dhismaha Safaaradda, sida ay sheegtay AFP.

Yeelkeede, daraasiin kuwaa ka haray oo xalay ku hoydey dibedda Safaaradda ayaa waxaa saakay lagu tuuray bambooyinka qaaca ee dadka ka ilmaysiiya, kaddib markii ay dhismaha kusoo dhowaadeen.

Dibed baxayaasha ayaa la sheegay inay dab qabadsiiyeen calamada dhowr dal, iyadoo dhoolli lagula cararay dhowr dibad bexe oo goobta ku dhaawacmay, sida ay qabto isla AFP.

Dadkan ayaa ka dhiidhinaya weerar cireed uu Maraykanku la eegtay dhowr saldhig oo ay leedahay kooxda ay Iiraan naas nuujiso ee Xisbullaah.

Dibed baxayaasha ayaa la is waydiinayaa sida ay ugu suuragashay inay soo dhaafaan dhowr isbaaro amaan oo hor yaalla mandiqadda cagaaran oo ay ku taallo Safaaradda Maraykanku, iyagoo taayarro gubey, kaamarooyinkii amaankana qarbuday.

Maraykanka ayaa sheegay inuu halkaa u dirayo 750 askari oo ka tirsan Qaybta 82-aad ee Cirka oo soo maraya dalka Kuwait, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dr Mark T. Esper.

MW Maraykanka ee Donald Trump ayaa Iiraan ku eedeeyay inay ka dambayso abaabulka dibed baxayaasha.

Hadalsame Media