Somalia oo la siiyay talo ay kaga tillaabsan karto dhibka taagan oo Turki ku saabsan!

0

(Muqdisho) 31 Dis 2019 – Waxaa markale dhacay qarax lala eegtay danta umadda, maadaama dadka la weeraray ay ahaayeen injineerro jid dhisaya iyo ilaaladoodii, taasoo muujinaysa inaan lala dagaallamayn cadow Soomaaliyeede, lala dagaallamayo danaheeda iyo soo kabashadeeda.

Siyaasiga Faarax Macallin ayaa keenay ra’yi iyo hindise arrintan wax looga qaban karo, kaasoo uu u jeedinayo ciddii ay taladu ka go’do.

”Haddii la hubeeyo Ciidamada Xoogga iyo saaxiibadood, waxay Al Shabaab ku tirtiri karaan 100 maalmood.” ayuu ku bilaabay war uu kusoo qoray boggiisa Twitter.

”Waxaa la gaarey xilligii ay Turkigu iska xilsaari lahaayeen inay soo diraan ciidamo xadidan oo dhulka ah iyo qalab si loo sameeyo howlgal nabad dhalin ah. Waa in sidoo kale meesha laga saaraa ciidamada aagga hore (deriska) oo howsha loo daayaa ciidamada SNA/Turkey/Burundi si ay meesha uga saaraan Shabaab.” ayuu daba dhigay.

Hadalsame Media