”Runtii NAARTA ayay kuu dirayaan!” – Dagaal ka bilowday nin Kenyan ah oo soo jeediyay in Somalia la ”TIRTIRO” oo ka holcaya Twitter-ka!! (Arag jawaabaha)

0

(Nairobi) 31 Dis 2019 – Nin la yiraahdo Prof Makau Mutua oo ah ragga ugu aqoonta badan dalka kenya aadna loo xushmeeyo, isla markaana haysta shahaadada PHD saaxiib dhowna la ah Uhuru Kenyata ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay hadal u qornaa sidatan:

“Ilaah baan idinku dhaarshee, Somalia waa dhaaftay meel wax laga qaban karee hallagu KALA DARO AMA LOO KALA QAYBIYO DALALKA DARISKA AH, si ay dunidu u degto.”

Yeelkeede, waxaa Twitter uu ugu soo jawaabey Faarax Macalin oo uu woxoogaa qaaday dhiigga Soomaalinimadu, wuxuuna jawaab kulul oo uu siiyey ku yiri:

“Horta soo weydii Maraykanka iyo Itoobiya jabkii ka raacay Somalia markii ay isku dayeen in ay Muqdisho la wareegaan! Markaa makula tahay inay KENYA kuwaa celin karto xitaa maalin gelinkeed. Saaxiibadey Itoobiya marna sideedii kuma soo noqon kaddib jabkii Muqdisho. TPLF waxay burburtay markii ay Somalia fara gashatay. Runtii si fudud bay NAARTA ayay noogu dirayaan!”

Nin Kenyan ah ayaa soo qoray: ”Somalia nabdooni waxay u daran tahay dalalka Masiixiga u badan ee deriska, marka shabeelkaasi ha iska hurdo.”

Gabar kale oo Kenyan ah ayaa soo qortay: ”Somalia waxay qayb ahaan u kici la’dahay dalal deriska sida Kenya, Ethiopia, Uganda oo kala qaybinaya, dagaallana ka oogaya si ay u xadaan khayraadkeeda, iyagoo gacan ka helaya Maraykanka. Siyaasiyiinta Somalia ayaa laftoodu door ku leh dhibaatada, balse dadka eedayn maayo.” ayay tiri.

Hadalsame Media