In uu Shabaab qaraxa mas’uuliyaddiisa sheegto meesha miyay ka saaraysaa in shisheeye soo maleegey?!!

0

(Muqdisho) 31 Dis 2019 – In uu Shabaab qaraxa mas’uuliyaddiisa sheegto meesha miyay ka saaraysaa in shisheeye soo maleegey?!!

Su’aashani waa mid aad qaali u ah, balse si ahaan aanay jawaabteedu dhib badnayn, dad badanina ay qabaan inay MAYA tahay.

Sababtu waxay tahay sideedaba qarxinta dadka Soomaaliyeed ma aha ajende maxalli ah oo dan Soomaaliyeed lagu soo xasilinayo ama loogu dagaallamayo.

Sidaa darteed, la yaab malaha inay Shabaab la soo xiriirto cid kasta oo dagaal kula jirta danta qaran ee Somalia, taasoo ay iyaguna ka eegayaan inay fuliyeen wax ay ku sheegayaan ”camaliyad ka dhan ah cadowga!”, sida ay sheegaan.

Tusaale ahaan, maadaama ay jiraan dalal badan oo Khaliijka ah iyo meel ka fogba sida Galbeedka qaarkood, kuwaasoo kasoo horjeeda Turkiga way samayn karaan qarax siyaasadaysan, taas ha u adeegsadeen isla kooxda looga bartay qaraxyada oo dan ka dhex aragta ama xitaa ha iska sheegtaan, iyagoo maagaya dadka ku cabsiiya, balse cadaawad qoto dheer uu ku abuuranaya quluubta umadda ay laynayaan.

Waayo haddii waxa lagu jihaadayaa ay noqdaan umadda iyo dadka ka caawinaya horumarkooda, jeer ay dalka joogaan cadow ka dhib badan dalka Turkiga, warku waa cad yahay.

Intaas oo dhan marka la isku xooriyo, sheegashada Shabaabku meesha ka saari mayso tuhunka ah inay jirto quwad shisheeye oo soo ”maleegtey qaraxii Sabtigii” iyo kuwa kaleba.

Waxaa Qoray: Cali Cismaan

Hadalsame Media