WEEDHA & DIBIGA NAASA ADAG: Maxaa isku soo beegay soo noqoshada Danjiraha Imaaraadka & qaraxyada Muqdisho?!

0

(Muqdisho) 30 Dis 2019 – Danjire Maxamed Axmed Othman Al-Hammadi oo ah safiirka Imaaraadka Carbeed u fadhiyay Soomaaliya, oo aan muddo 2 sano ku dhowaad ah lagu arag meel fagaare ah oo Somalia ka mid ah ayaa beri dhowayd mar qura lagu arkay Muqdisho.

Danjire Xamaadi ayaa tan iyo markii ay isku xumaadeen Somalia iyo Imaaraadka oo faragelin ba’an dalka ku haya, ayaa saldhigtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Haddaba, Muqdisho oo si nisbi ah u xasishay markii uu ka wareegsadey Danjiraha Imaaraadka, ayaa martigelisey qaraxii ugu waynaa muddo 2 sanadood ah oo ku muddaysan xilli ay Imaaraadku saamayn wayn ku lahaayeen Muqdisho, isla markaana ay xitaa ku lahaayeen ciidan ay tababareen oo la oran jirey ”Ciidamada Imaaraadka” oo u samaysnaa qaab calooshood u shaqayste ahaan ah.

Haatan, waxay dadku is waydiinayaan waxa kulmiyay ”weeddha iyo dibiga naasa adag”, taasoo ah sababta isku soo beegtay soo noqoshada Danjiraha Imaaraadka iyo qaraxan dhacay oo lagu tuhmayo inuu isla dalkiisu ka dambeeyo.

Waxaa sidoo kale muddadan Muqdisho ka dhacay weerar lagu qaaday hoteel ku yaalla bartamaha magaalada oo iyaduna ah arrin aan muddo dhicin oo laga nastay.

‘Astaamaha laga helay qaraxa Muqdisho ka dhacay waxaa ka muuqda farihii Imaaraadka Carabta.” ayuu qoray wargayska Yeni Safak oo Turkiga kasoo baxa.

War la sheegay inuu kasoo baxay hay’adda Nabad Sugidda NISA ayaa isagana lagu sheegay in ay madaxda sare u gudbiyeen xog ay heleen oo muujinaya inuu weerarkan ka dambeeyo dal shisheeye oo aysan sheegin.

Arrin kale oo tuhunka Imaaraadka dhalisay waa in ay mar qura sidii qaab sii diyaarsanaa u wada dhaqaaqeen siyaasiyiin la ogyahay inuu Imaaraadku maalgeliyo, si loo foowdeeyo geeddi socodka nabadeed ee dalka.

Hadalsame Media