NISA: ”Qaraxiii Muqdisho waxaa ka dambeeya dal SHISHEEYE!”

0

(Muqdisho) 30 Dis 2019 – Hay’adda Sirdoonka Somalia ee NISA ayaa war lagu soo qoray Twitter iyada loo nisbaynayo ku sheegtay war cusub.

Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka ayaa soo qortay sidatan:

”Waxaan madaxda qaranka ugudbinay, warbixin bilow ah oo tilmaamaysa in Xasuuqii Shacabka Soomaaliyeed loogu gaystay Muqdisho, 28-Dec-2019, uu qorshayntiisa lahaa Dal shisheeye.”

”Baariitaanka socda si loo dhamaystiro, waxaan la kaashan doonnaa Hay’adaha sirdoonka Caalamka qaarkiis.” ayay raacisay hay’adda NISA.

Lama oga saxnimada koontadan, balse dad badan ayaa horay uga hadlay tuhunka ah in qaraxani leeyahay astaamaha gacmo shisheeye oo ay ka dambeeyso siyaasad-dhuleed ka dhaxaysa dalalkaasi.

Hay’adda NISA ma carrabaabin magaca dalka ay ogaadeen inuu qaraxan soo maleegey, balse waxay gacmo badani tilmaamayaan Imaaraadka.

Hadalsame Media