YENI SAFAK: Mohammed bin Zayed-ka Imaaraadka ayaa amray qaraxii ka dhacay Somalia (Maxaa socda?)

0

(Ankara) 30 Dis 2019 – Imaaraadka Carabta iyo laga yaabee Sucuudiga ayaa ka dambeeya qaraxa lagu hoobtay ee ka dhacay Muqdisho, sida ku qoral maqaal dheer oo uu qoray weriye reer Turki ah oo la yiraahdo İbrahim Karagül.

Wuxuu sheegay in Amiirka Abu Dabeey ee Mohammed bin Zayed Al Nahyan uu yahay ninka haysta furaha argagixisada min Syria ilaa Iraq, Libya ilaa Somalia, sidoo kalena lug ku leh sennaariyaha dagaallada sokeeye ee meelahaa ka jira.

Wuxuu maqaalku sheegayaa in faraha laga helay qaraxii waynaa ee arxan darrada ahaa ee ka dhacay Muqdisho uu kaliya farta ku fiiqayo Mohammed bin Zayed, kaasoo doonaya inuu jug u gaysto xiriirka Turkiga iyo Somalia.

Imaaraadka, Sucuudiga iyo Masar ayaa cadaadis noocaas oo kale ah u adeegsadey dalka Suudaan, iyagoo afgembi ka ridey, kaddib markii ay ka xumaadeen heshiiskii taariikhiga ahaa ee jasiiradda Suakin.

Wuxuu sheegay in sidaa si la mid ah ay ka wadaan Libya, iyagoo hub iyo lacag ku farraqaya Hoggaamiye Kooxeedka Khaliifa Xaftar.

Yeelkeede, wuxuu sheegay in aanay taasi baajin doonin inuu Turkiga oo uu ku tilmaamay dal cudud wayn uu dalkaa ciidamo u diro, kuwaasoo loo codayn doono 8-9-ka bisha Jannaayo ee bilaaban rabta.

Turkey ayaa sidoo kale isbahaysi kale la dhisaya dalalka Tunisia iyo Algeria, oo dhaca galbeedka Libya, oo ay dowladdeeda la aqoonsan yahay weerar iyo go’doomin ka wajahayso dhanka bari, si looga hortago argagixiso laga soo daabulayo dalal ay ka mid yihiin Niger iyo Mali.

Haddaba jeer uu Turkigu isu diyaarinayo inuu u jihaysto dhanka Libya ayaa weerarkan bahalnimada ah Xamar laga gaystey si farriin loogu diro Turkiga iyo Somalia, waana isla kuwii afgembiga ka ridey Suudaan, ayuu qorayaa maqaalku.

Waxay sidoo kale taageerayaan kooxaha Turkiga la dagaallamaya ee Kurdistan Workers’ Party (PKK), People’s Protection Units (YPG) iyo xitaa Daacish, sida uu leeyahay İbrahim Karagül oo aan soo koobnay.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media