XARIG MARAN & XIRFAD XUMO: 8 qodob oo muujinaya qorshe xumada DF Somalia ee qaraxyada dhaca

0

(Hadalsame) 29 Dis 2019 – Waxaa shalay dhacay qarax arxan darro ah oo ay dad badani ku dhamaadeen kuna dhaawacmeen, kaasoo laga ridey Koontoroolka Afgooye.

Ilaa iminka wax wacaal ah lagama hayo waxa uu ahaa qaraxaasi, cidda ka dambeysey, nooca uu ahaa, sida uu meesha ku yimid iwm.

Haddaba aannu eegno waxyaabo badan oo muujinaya in ku dhowaad 15 sano kaddib aysan jirin wax khibrad ah oo ka muuqda DF Somalia iyo hay’aadkeeda amaanka.

SABAB? WAAYO:

1 – Sidaan sheegnay weli wax wacaal ah lagama hayo nooca uu qaraxu ahaa, waxa laga qabanayo, cidda ka dambaysey iyo raadkiisa, taasoo dadka gelinaysa quus amaan, sidoo kalena sahlaysa in qaraxyadu dhacaan oo aan la is waydiinin.

2 – Kaddib ku dhowaad 15 sano oo ay qaraxyadu socdeen ma muuqdaan istaraatijiyado ay Dowladdu dejisey oo lagu yaraynayo waxyeellada, sida in si buuxda wax loo baaro, iyadoo sida muuqata gawaarida qaraxyada siddaa ay soo dhaafaan isbaarooyinka Dowladda habacsanaan dhanka baarista ah darteed.

Dad badan oo noo warramay ayaa noo xaqiijiyay in ay askartu ka murgaan shilimaad yar oo loo tuuro in ka badan amaankii loo xil saaray, waana dishibiliin xumo halis ah oo galaafanaya nafta shacabka. Waxbana lagama qabto.

3 – Ma jiro qorshe loo dejiyay in goobaha gawaarida lagu baarayo loo sameeyo qaab khasaaraha lagu yareeyo, sida in markiiba halka gaari ee la baarayaa uu goobta taagnaado oo kuwa kale lagu horo goob ka yara fog isbaarada, si haddii ay wax qarxaan uu khasaaruhu u yaraado.

4 – Muddadaa dheer ma jirto Dowlad ka fikirtey inay isbaarooyinka keento qalab digniin hore kasii bixin kara qaraxyada iyo walxaha qarxa, waana aalad la heli karo, balse cid isku shuqlisay ma jirto.

5 – Tan ugu daran, tiiyoo la ogyahay inuu dalku ku jiro xaalad dagaal oo joogto ah, ma jiro BANGI DHIIG, taasoo keenta in mar kasta oo ay wax dhacaan dadwaynaha looga baaqo warbaahinta, taasoo ah arrin mar hore lasii samayn karo, iyadoo dib loo dhisayo Kaydkii Dhiigga Qaranka oo ah wax sahlan in la sameeyo, balse aan dan laga gelin.

6 – Maadaama sida qodobbadan ka muuqata uusan jirin kahor tag wax ku ool ah, waxaan sidoo kale jirin ka daba teg micne leh. Ma jirto mar qura oo ay Dowladda Somalia dadwaynaha la hor timid natiijo kasoo baxday baaritaan ay samaysay.

7 – DF Somalia ilaa maanta uma tirakoobna Simi-kaadhada ay dadku haystaan ee qaraxyadan lagu hago, sidoo kale koontooyin xisaabeedka la iskugu diro lacagaha badan ee dembiyada lagu gaysto, umana socoto dhankaas.

8 – Ma jiro wax dagaal ah oo ay waddo DF Somalia, weliba muddadii ay jireen labadii Dowladood ee ka dambeeyay Xukuumaddii Sheekh Shariif oo ay dagaalka inta badan waddey AMISOM ma dhicin wax dagaal ah oo wax ku ool ah. Inta badan waxaa la sameeyaa madadaalo dadka lagu seexinayo.

Waxaaba ugu darnayd beri dhowayd markii weerarro guulaystey lagu qabtay dhowr degmo iyo tuulo, balse maalmo kaddib Xamar loo bedeley taliyihii hoggaaminayay dagaalkaasi oo ahaa Jen. Odawaa, taasoo ay dad badani u fahmeen xagal-daacin ay waddo isla Dowladdu.

Siddeedaa qodob iyo kuwa kale oo aan malaha ka ilduufay baa ugu waawayn kuwa muujinaya inaysan DF Somalia samaynin wax isku day ku filan si loo sugo amaanka muwaadiniinta ay mas’uuliyaddu ka saaran tahay.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media