Fannaanka BK oo qaraxyada Koonfurta si uusan fahamsanayn ugu eedeeyay Somaliland!! (Tillaabo laga qaadi karo)

0

(London) 29 Dis 2019 – Maxamed Siciid waa fanaan ficilka uu samaynayo ee abuurida nacaybka ahi uu aad u daran yahay.

Hadalka uu leeyahay ee ah “Haddii ay Somaliland sii dayaan(Koonfur) qaraxyadu wey ka istaagayaan. Haddii ay ictiraafaan nabad ayey helayaan(Xamar)” Hadalkaas xaqiiqdii waa mid kiis iyo dambi aad u weyn loogu soo oogi karo, iyadoo loo marayo meesha uu ka keenay xogtan ah cidda damaanad qaaday haddii Somaliland la ictiraafo inay Koonfur nabad helayso.

Maxamed malaha dhaqan fanaan ee wuxuu leeyahay dhaqan siyaasi, run ahaantiina waa Af ku dambiile ummadda walaalaha ah ee Soomaaliyeed iska horkeenaya.

Ummad ay mayti banaanka u taalo, dhaawacyo la tacaalayo, murugo hadhaysay in hadalkaas jees jeeska ahi ka soo yeedho waa liidasho iyo maangaabnimo, ama waa hadal ku talo gala oo uu wax ka og yahay. Waxaan ogahay in dadkayga reer Somaliland gob iyo nasab yihiin, oo ay iska deyrin doonaan.

Dadka Soomaaliyeed ee wadankaas uu joogo hala xisaabtamaan, hana geeyaan xarumaha dambi baadhista si kiiskaan wax looga weydiiyo.

Waxaa Qoray: Garaad Yaasiin H Ismaaciil

Hadalsame Media