SAWIRRO: Dadkii ba’naa ee shalay qaraxa ku dhaawacmay oo Turki loo dhigay (Dayuurad kale oo Qadar ka imanaysa)

0

(Muqdisho) 29 Dis 2019 – 12 ka mid ah  dadkii  ay dhawacyadii culus ka soo gaareen qaraxa   oo ay ku jiraan labo muwaadin oo u dhashay dalka turkiga  ayaa  goordhaw la filayaa inay ka duusho Garoonka Aadan Cadde  .

Gudiga Gurmadka Deg Degga ah ee ay Dowladdu u xil saartay qaraxa  ayaa ku hawlan diiwaan gelinta iyo qiimaynta  iyo ugurmashadii dadkii ku waxyeeloobay mashaqadii ka dhacday  shalay Magaalada Muqdisho oo ay qasaare ka soo gaareen dad badan oo rayid ah.

Guddiga Gurmadka Deg Deg ah ayaa kulan muhiim ah hadda uga socdaa xarunta Gurmadka deg deg ah , iyadoo sidoo kale la filayo in ay Magaalada Muqdisho soo gaarto diyaarad kale oo ka imaan doonta dhanka Dowladda Qadar.

Diyaaradda Turkiga ka timad ayaa sidoo kale Qaadi doonto meydka labo Muwaadin oo u dhashay dalka Turkiga  kana mid ahaa dadkii ku geeriyooday qarixii shalay Ka dhacay magaalada Muqdisho.

Hadalsame Media