Madaxwayaha dalka & Danjiraha Turkiga oo bukaannadii la qaadayay kusii sagootiyay Gegada Aadan Cadde + Sawirro

0

(Muqdisho) 29 Dis 2019 – MW Somalia, Md Maxamed Farmaajo ayaa Garoonka Aadan Cadde kusii sagootiyay bukaannada daran oo dhanka Turkiga loogu qaadayo in lagula tacaalo, kuwaasoo ay qaadayso dayuurad xamuul ah oo ay Turkigu leeyihiin.

MW Farmaajo oo uu wehliyo Danjiraha Turkiga ee magaalada Muqdisho ayaa mid mid u eegay bukaannada oo xilligaa saarnaa dayuuradda.

Turkiga ayaa ah dalkii 1-aad ee gurmad soo sameeya mana aha markii ugu horreeysey ee uu sidaa usoo gurmado tan iyo 2011-kii.

Dalka Qadar ayaa iyagana lagu wadaa inay dayuurad kale soo diraan, si ay u qaaddo dad kale oo buka.

Hadalsame Media