Arrin hadalka BK kasii XANUUN badan oo ka dhacday goobtii uu hadalka ka yiri (Waa maxay?)

0

(London) 29 Dis 2019 – Waxaa xalay dhacday arrin yaqyaqsi leh oo ka dhacday maxfal uu ka heesayay ninka la yiraahdo Maxamed BK oo ku hadlay hadal aad looga xumaaday oo damiir iyo dadnimo la’aan ah.

Waxaa ka dhiidhiyay dad badan oo kala geddisan oo ay qaar reer Somaliland yihiin, kuwaasoo ka xumaaday in ay warka noocaas ah u sacbiyaan ama ku farxaan dadkii goobta joogey.

Weriye Cumar Seerbiya ayaa soo qoray sidatan: ”Waxaan daawaday Muuqaal kooban oo Fannaanka dhallinyarada ah ee Maxamed BK oo u hadlaya qaab qiiraysan uu ugu sheegayo qaar ka mid ah dadka Somaliland ka soo jeeda ee Uk ku dhaqan hadal macnihiisu yahay inay iyagu qarxiyaan Xamar ayna wadidoonaan arrintaasi ilaa intay Xamar aqoonsanayso Somaliland.

”Isagu inuu hadalkaasi yidhaahdo lamaan yaabin oo hore ayaa mar aan ku idhi hadaladaada ka fiirso uu iigu jawaabay “Anigu waan hadlaa uun waxbana igama gelin cid uu dhibayo”

”Balse dadka goobta joogay oo qaarkood aan garanayey muuqaalkooda una sabcinayey ayey ahayd inay ku yidhaahdaan anagu Xamar ma qarxino.” ayuu kusoo koobay qoraalkiisa.

Hadalsame Media