Idaacad joojisey sii daynta heesaha BK (Dad qorshaynaya inay dacweeyaan Somali Week & BK)

0

(Muqdisho) 29 Dis 2019 – Waxaa weli hulaaqaya dabkii ka dhashay hadal doqonnimo ah oo uu meel madal ah xalay ka sheegay fannaanka Maxamed BK.

BK ayaa isagoo isku kalsoon misna dhiirran, balse aan fikirin jamaahiirtii u timid inuu u heeso u sheegay sidatan: “Haddii ay Somaliland sii dayaan (Koonfur) qaraxyadu way ka istaagayaan. Haddii ay ictiraafaan nabad ayey helayaan (Xamar).”

Waxaa arrintaa ka falceliyay Burhaan Diini Faarax oo ah Agaasimaha Idaacadda Kulmiye (KNN) ee Muqdisho oo soo qoray sidatan:

”Waxaan daawaday muuqaal laga duubay fanaanka Max’ed Siciid oo BK loo yaqaan waxaa ka muuqanaya fanaanka inuu ku faraxsanyahay qaraxyada manaxyaashu ka geystaan Muqdisho ee maatada lagu laayo waxaana uu leeyahay “Haddii ay Somaliland aqoonsi siiyaan qaraxyada waa ka joogsanayaan” taasoo xataa fasiraad badan yeelan karta.

”Waan hubaa inay jirin cid reer Somaliland ah oo la qabta fanaanka aragtidaas ama ku faraxsan dhibaatadda reer Muqdisho.

”Waxaan soo jeedinayaa in warbaahinta Soomaalidaay iskaba joojiyaan heesaha fanaankaas oo ay ka muuqatay digasho.

”Kolleey KNN oo aan agaasime ka ahay waa ay joojinaysaa baahinta heesihiisa inta uu sidaas u dhaqmayo.” MAHADSANIDIIN.

Waxaa sidoo kale lasoo jeediyay in dacwad lagu oogo Madasha casuuntey BK iyo isaga laftiisa, maadaama ay ku keceen dembi cad oo ah faafin nacayb, taageerada fakal argagixiso iyo qaybin umadeed, iyadoo aan ahayn hay’ad siyaasadeed.

Hadalsame Media