Khatarta ay leedahay in XAQ DARRO lagu daadiyo dhiigga abriyada

0

(Hadalsame) 29 Dis 2019 – Diinteenu waxay nafaraysaa inaan adkayno nabadgalyada kuna dadaalno sidii loo ilaalin lahaa, waxay na amraysaa in nabadkuwada noolaanshaha mujtamaca in ay tahay wajib mudan in la dhowro, Alle(sw)waxa uu Quraankiisa kariimka ah kuyiri:-
وَمَن يَقْتُلْ مُؤْمِنًا مُّتَعَمِّدًا فَجَزَاؤُهُ جَهَنَّمُ خَالِدًا فِيهَا وَغَضِبَ اللَّهُ عَلَيْهِ وَلَعَنَهُ وَأَعَدَّ لَهُ عَذَابًا عَظِيمًا ) النساء (93)

Ruuxii u Dila Mu’min si Kas ah, Abaalkiisu waa Jahannamo oo ku Waari dhexdeeda, wuuna u Cadhoon Alle wuuna Lacnadi wuxuu u diyaariyey Cadaab wayn.

Waxoo Kaloo Alle subxanahu watacala uu yiri:
(مَن قَتَلَ نَفْسًا بِغَيْرِ نَفْسٍ أَوْ فَسَادٍ فِي الْأَرْضِ فَكَأَنَّمَا قَتَلَ النَّاسَ جَمِيعًا ) المائدة (32) Al-Maaida
Cidii Disha Naf aan (Dilin) Naf ama Fasaadin Dhulka waxay la mid tahay inuu Dilay Dadka Dhammaan,

Wuxuu kaloo Alle subxanahy watacala uu yiri:
ولا تقتلوا انفسكم.

(HA DILINA NAFAFYAALKIINANA) micnuhu ha isdilina.
Wuxuu kaloo Alle subxanahu watacal uu yiri:

“٠٠٠وَلاَ تَقْتُلُواْ ٱلنَّفْسَ ٱلَّتِى حَرَّمَ ٱللَّهُ إِلاَّ بِٱلْحَقّ ذٰلِكُمْ وَصَّـٰكُمْ بِهِ لَعَلَّكُمْ تَعْقِلُونَ} [الأنعام:151].

“Hana Dilina Naf ALLE Xarimay In La Dilo Ilaa Inaad Xaq Ku Dishaan Mooyee
Sidaasa ALLE Idiin Dardaarmayaa Ee Waxaad Mudan Tihiin Inaad Garataan”.

Rasuulka ﷺ wuxuu yiri:-

(و عن أبي هريرة رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه و سلم قال : المسلم من سلم الناس من لسانه ويده والمؤمن من أمنه الناس على دمائهم وأموالهم
(رواه النسائي:ج8ص104ر4995) وقال الألباني: حسن صحيح.

(Muslim waxaa ah qofkii ay dadka kanabad galaan afkiisa iyo gacantiisa mu’mina waxaa ah midka dadka unabad galiya naftooda iyo maalkooda).

wuxuu kaloo Rasuulka ﷺ uu yiri:

ﻋﻦ ﻋﺒﺪ ﺍﻟﻠﻪ ﺑﻦ ﻋﻤﺮﻭ ﺭﺿﻲ ﺍﻟﻠﻪ ﻋﻨﻪ ﻋﻦ ﺍﻟﻨﺒﻲ ﺻﻠﻰ ﺍﻟﻠﻪ ﻋﻠﻴﻪ ﻭﺳﻠﻢ ﻗﺎﻝ ( ﻟﺰﻭﺍﻝ ﺍﻟﺪﻧﻴﺎ ﺃﻫﻮﻥ ﻋﻠﻰ ﺍﻟﻠﻪ ﻣﻦ ﻗﺘﻞ ﺭﺟﻞ ﻣﺴﻠﻢ ) ﺭﻭﺍﻩ ﺍﻟﺘﺮﻣﺬﻱ ﻭﻫﻮ ﺣﺪﻳﺚ ﺻﺤﻴﺢ ﻛﻤﺎ ﻗﺎﻝ ﺍﻟﻌﻼﻣﺔ ﺍﻷﻟﺒﺎﻧﻲ ﻓﻲ ﺻﺤﻴﺢ ﺳﻨﻦ ﺍﻟﺘﺮﻣﺬﻱ 2/56
(Aduunyada oo zuusha ayaa kaga sahlan Ilahay xagiisa qof Muslim ah oo la dilo).

wuxuu kaloo Rasuulka ﷺ uu yiri:

فعن عبد الله بن عمر رضي الله عنهما عن النَّبيِّ صلى الله عليه وسلم : (( لا يزال المؤمن في فسحة من دينه ما لم يُصِبْ دماً حراماً )).

(qofku kama suulo in ay diintiisa waasac utahay hadii uusan galin dhiig xaraam ah).

wuxuu kaloo Rasuulka ﷺ uu yiri:

– وعن ابن عباس رضي الله عنهما، عن النبي صلى الله عليه وسلم قال: ((يجيء المقتول بالقاتل يوم القيامة, ناصيته ورأسه بيده, وأوداجه تشخب دما, يقول: يا ربّ, هذا قتلني, حتى يدنيه من العرش))[[.

“Maalinka qiyaame waxaa la keeni kii la dilay oo foodda iyo madaxa jiidaya kii dilay oo ay qawlaladiisu dhiig ka shubmayso,markaasuu oranayaa rabiyoow waa kii idilay ilaa uu carshiga udhaweeyo”

Wuxuu kaloo Rasuulka ﷺ uu yiri:

“- وعن أبي سعيد رضي الله عنه، عن نبي الله صلى الله عليه وسلم أنه قال: ((يخرج عنق من النار يتكلم يقول: وكِّلت اليوم بثلاثة: بكلّ جبار, وبمن جعل مع الله إلها آخر, وبمن قتل نفسا بغير نفس, فينطوي عليهم فيقذفهم في غمرات جهنم”.

“Luqun hadlaysa ayaa naarta jahana ka soo baxaysa maalinka qiyaame,waxay oranaysaa maanta waxaa la ii waliishay seddex qolo oo kala ah kuwii dadka qasbi jiray,iyo kuwii ilaahay u shariik yeelay,iyo kuwii dilay naf aan naf kale dilin,inta loo soo wada jamciyo ayay naarta mugdiyaaladeeda hoose ku wada guraysaa”.

Waxoo kaloo Rasuulka ﷺ uu yiri:
وعن عبد الله بن مسعود: قال: قال النبي صلى الله عليه وسلم: ((أوّل ما يقضى بين الناس في الدماء).
“Waxa Ugu Horeeya Oo Dadka Loo Kala Qaadayo Maalinka Qiyaame Waa Dhiigga”.

Waxoi kaloo Rasuulka ﷺ uu yiri
“وعن عبد الله بن عمر رضي الله عنهما قال: (إن من ورطات
الأمور التي لا مخرج لمن أوقع نفسَه فيها سفكَ الدم الحرام بغير حلّه).
“Arimaha wax halaaga ee uusan ka bixi karin qofkii naftiisa ku rida waxaa ka mid ah.
Daadinta dhiig aan xalaal ahayn”

“وعن إبراهيم النخعي قال: “من مات من أهل الإسلام ولم يصب دماً فارجُ له”.

“Ibraahiim Nakhaci waxa uu oran jiray, nin kasta oo islaam ah oo dhinta isaga oo aan dhiig dad soo galin furasho ayay unoqotaa maalinka qiyaame”

Walaalayaal lama soo koobi karo nusuusta ku soo aroortay daadinta dhiiga xaaraanta ah, dhab ahaantiina waa khatar mudan qofka inuu naftiisa ka dhowro.

AIloow naga badbaadi inaan galno dhiig xaraam ah.

Waxaa Qoray: Maxamed Cali Maxamuud Madka

Hadalsame Media