Ifafaale cusub oo kasoo if baxay magaalada Muqdisho!

0

(Muqdisho) 28 Dis 2019 – Carruur iyo dhalinyaro badan oo xeebta Liido dabaal u yimid oo badankood baabuur caasi ah oo ay 4 kun oo shilin ku soo raaceen uu xeebta keenay ayaa waxay 3 kun oo shilin shaah uga cabayaan haween buushashka shaah ku iibiyo.

Dhalinyaro badan oo hawobedelasho u soo baxay oo xeebta Liido bajaaj ku yimid ayaa ku leyrsanaya kuraasta Beach View iyo Liido Sea Food, waxayna koob shaah ah ku cabayaan $1.

Ganacsato iyo siyaasiyiin baabuur ay leeyihiin xeebta ku yimid, qaarkoodna la waardiyeynayo oo isla qoslaya ayaa ku sheekeysanaya Elite Hotel, waxayna koob shaah ah ku cabayaan $6.

Carruurta dabaalaneysa waxay la yaaban yihiin dhalinyarada kuraasta Beach View iyo Liido Sea Food fadhiso ee koobka shaaha ah ee ay iyagu ku cabayaan 3 kun oo shilin, ku cabaya $1, dhalinyarada $1 shaaha ku cabeysana waxay la yaaban yihiin kuwa Elite Hotel koob shaah ah uga cabaya $6. Ninba taagtiis ha tallaabsado.

Waxaa Qoray: Xuseen Sabriye

Hadalsame Media