”Ibra derbi ayuu ku tiirinayaa laacibkaa tababarka hagrada!” – Galliani oo ka taariikheeyay dhacdo hore

0

(Milano) 28 Dis 2019 – Agaasimihii hore ee AC Milan ee Adriano Galliani ayaa sheegay in Zlatan Ibrahimovic aanu cidna ciyaar ciyaar ka qaadanin.

Ibra ayaa shalay heshiiskiisa Rossoneri la rasmiyeeyay kaddib 7 sanadood oo uu ka maqnaa, iyadoo uu Galliani oo khibrad 31 sano ah u leh suuqa kala iibsigu uu qabo inuu yahay saxiix Milan anfacaya.

“Zlatan wuxuu leeyahay niyad aad u adag, burji iyo go’aan mar kasta ka dhigaya nin muhim ah. 31 sano oo aan Milan joogey abidkay ma arag laacib mid kale gidaarka saaraya isagoo ku haysta inuu tababarka hagranayo.” ayuu yiri Galliani oo la hadlay La Gazzetta dello Sport.

“Zlatan wuxuu keeni doonaa hawo cusub. Farsamo ahaan weli farqi buu samayn karaa. Wuxuu leeyahay awood jireed oo aan caadi ahayn, muddo 15 cisho ahna diyaar buu ku noqon karaa.” ayuu daba dhigay Galliani oo sheegay inuu isku dayay inuu Monza keeno, balse uu ka diidey.

Laacibka reer Swede ayaa lagu wadaa inuu Milano yimaado 1-2 Jannaayo, iyadoo la isku hayo kulan-bilowga uu xiran doono maaliyadda Milan, kaasoo xitaa noqon kara midka Sampdoria ee 6-da Jannaayo.

Taageerayaal badan oo Milan ah ayaa dareensan inay kooxda salli dhigteen laacibiin aan samaynin wax dadaal ah, balse mushaharka uun iska qaata, waana arrin la filayo inuu xalkeeda gacan ku yeesho Ibra oo ah nin leh shakhsiyad adag.

Hadalsame Media