Dadwaynaha oo aan ku farxin qaabka ay DF Somalia uga hadashay qaraxii maanta (Waxa dhacay & soo jeedin?)

0

(Muqdisho) 28 Dis 2019 – Waxaa badanaa jirta hal arrin oo soo noqnoqota mar kasta oo ay wax dhacaan kelmado muujinaya in aan madaxdu u carbisnayn ka hadalka arrimaha qaar, aysan waaqiciyadda fahamsanayn, isla markaana aysan shacabka u arkin dadka ay qoowsaarka u yihiin.

Mar kasta oo uu qarax dhoco waxaa inta badan soo noqnoqda kelmado khiyaali ah sida: ”la fashiliyay, la badbaadiyay, laga hor tegey” iwm, jeer ay dad badani le’deen.

Saaka waxaa goobta qaraxa tegey Guddoonka Gobolka Md Cumar Filish, waana ku amaanan yahay tegitaankiisa, balse hadalkiisu ma caawinin arrinta taagan.

”Waxaan rabaa inaan uga mahad celiyo ciidamadii shafka u dhigay ee dadka ka badbaadiyay in ay dhagar qabayaashu magaalada u gudbaan.” ayuu yiri Cumar Filish.

Dad badan ayaa meel ka dhac u qaatay kelmaddan, waayo waxa ugu muhiimsan ee ay dowladdu jirtaa waa amaanka, ee ma aha amaanka jid ama meel gaar ah, mar haddii ay geeri fara badan dhacdayna arrintaasi waa lagu fashilmay ee kelmadda ”badbaado” marna kuma habboona in la adeegsado.

Qarax ka mid ahaa kuwii ugu urugada badnaa ee Muqdisho ka dhacay oo ahaa midkii Hargaha iyo Saamaha ayaa waxaa ka hadlay Madaxwaynihii xilligaas oo ku faanay ”inay nasiib wanaag tahay in aan nabad diidku dilin hal qof oo Dowladda ka tirsan.”

Waxaa sidoo kale jira kumannaan jeer oo aan maqalnay erayo aan ku habboonayn dhegaha shacabka.

Waxaa wanaagsan in tababar loo furo madaxda, kaasoo ku saabsan qaabka looga hadlo arrimahan oo kale iyo in si xirfadaysan loo xusho kelmadaha iyo maqaalka ku habboon maqaam kasta.

Hadalsame Media