Baarlamanka oo markale muujiyay mas’uuliyad darro muddo kororsina ka doodaya jeer ay kurbo taagan tahay!

0

(Muqdisho) 28 Dis 2019 – Waxaa afaafka magaalada Muqdisho maanta ka dhacay qarax wayn oo ay ku baabe’een dad rayid ah oo ay ku jiraan nooc kasta oo bulshadu ka kooban tahay; carruur, cirroole iwm.

Geerida iyo dhaawaca ayaa sidoo kale aad u fara badan, waloow aynaan doonayn inaan iska qiyaasto tiro aynaan hubin, misna aad bay u badan tahay waxyeelladu.

Yeelkeede, wararka qaar ayaa sheegaya in Baarlamanka dhexe ee DF Somalia, gaar ahaan Aqalka Hoose oo maanta shirsanaa aanu arrintan dhacday ee dhiigleeyda ah u joojinin oo uu halkiisa kasii watay doodo muddo kororsi iyo kursi ka fikirid aan umadda loogu adeegaynin ku saabsan.

Arrintan ayay dad badan oo Muqdisho ku sugani ku tilmaameen mid ka tarjumaysa anshaxa, dareenka, damqashada xildhibaannada Baarlamanka oo marar badan lagu eedeeyo inay dantooda uun eegtaan.

Golaha Shacabku ayaa ku jira akhriskii 3-aad gaar ahaan qodobka 53-aad ee tilmaamaya muddo kororsi aan xad laheyn.

Guddoonka Aqalka Sare ayaa se u tacsiyeeyay shacabkii ku dhintay qaraxii maanta ka dhacay koontoroolka Afgooye.

Hadalsame Media