Arrin sabab u ah in uu qaraxu iska sii socdo!

0

(Hadalsame) 28 Dis 2019 – Waqtiyadaan oo kale waa marka aad kala baraneyso, saxafiga aan dhawri karin anshaxa, faya-qabka iyo dareenka bulshada kula xiriirsan baraha bulshada.

Waxaad sidoo kale baraneysaa bulshada kale ee sidaas ku sifoobay, walow aqoon darro loogu cudur daari karo, laakiin damiirkooda uusan tusin.

Sidoo kale waxaad baraneyaa daniiste qof gaar ah ku difaacaya marxaladaan iyo mid qof gaar ah ku colaadinaya.

Waa murugo inaa wali nahay bulsho isku dhex yaacsan oo qof walba ay tiisa uga sarreyso tan guud. La isma waydiiyo sida xal waara loogu heli karo dhibaatadaan taagan.

Dareenkeyga wuxuu ii sheegayaa inaa nahay bulsho la dayacay, isna dayacday, sidoo kalana aan wali hurdada ka kicin, falanqeynta wixii dhacay iyo tabintaba waxey ku wacnaan lahayd dadka ay shaqadooda tahay ee sharciyad ahaan iyagoo bulshadooda garab taagan wajahi kara.

Waxaan ka xumahay inaan ku tilmaamo, balse iga raali noqo xumaan gaar ah kuuma qabo, waxaase ila xumaaday waxaad sameysay.

Waa argagax wixii dhacay, allaha caafiyo intii wax ku noqotay, intii ku dhimatayna allaha u naxariisto – ehalada iyo dadka ay dadkooda wax ku noqdeen – adkeysi iyo sabar ayaan u dardaarmayaa.

WABILLAAHI TOWFIIQ

Waxaa Qoray: Cabdirashiid Maxamuud Nuur

Hadalsame Media