RASMI: Ruushka oo ku dhawaaqay inuu ciidamadiisa u qaybiyay hub aanay cid kale la haysan (Daawo)

0

(Moscow) 27 Dis 2019 – Ruushanka ayaa guutadii ugu horreeysey ee ciidamadiisa ku qalabeeyay gantaalka guuxiisa ka dheereeya ee Avangard, sida uu sheegay Wasiirka Gaashaandhiggu.

Lama sheegin halka ay saldhigtaan ciidamada lagu hubeeyay, balse waxay warar hoose sheegayaan inay joogaan buuraleeyda Ural.

MW Vladimir Putin ayaa sheegay in gantaalahan oo nukliyeerka xambaari karaa ay 20 jeer guuxooda ka dheereeyaan, taasoo Ruushka ka hor marinaysa dalalka la xafiiltamaya.

Waxay leeyihiin “hannaan ka saacidaya inay tartiib u duulaan” taasoo siinaysa awood dheeraad ah oo ay adag tahay in la iska difaaco, isagoo la tijaabinayay muddo sanado ah.

Wasiirka Gaashaandhigga ee Sergei Shoigu ayaa xaqiijiyay in gantaalahan “Avangard ay si toos ah u shaqa galeen 10:00 xilliga Moscow maanta 27 Diseembar”, taasoo uu ku tilmaamay “tillaabo taariikhi ah”.

Hadalsame Media