DAAWO: ”Waxaa noo rumoowdey riyo 60-jir ah” – Erdogan oo kexeeyay gaarigii ugu horreeyay ee Turki samee ah!

0

(Ankara) 27 Dis 2019 – Turkiga ayaa soo bandhigay gaarigii ugu horreeyay ee uu isagu soo saaray, iyagoo sheegay inay sanadkii soo saari doonaan 175,000 gaari oo koronto ku shaqeeya, kuwaasoo muddo 13 sano ah dhiiqi doona 22 bilyan oo lira ($3.7 bilyan oo doollar).

Mashruucan ayaa muddo dheer riyo u ahaa Xisbiga AK Party ee MW Tayyip Erdogan wuxuuna daliil u yahay koritaanka dhaqaale ee Turkiga oo cudud cusub noqonaya, iyagoo doonaya inay caalamiyan u iib geeyaan gawaaridan cusub.

“Waxaannu marqaati ka wada nahay rumowga riyo 60 sano jir ah” ayuu yiri Erdogan oo tix raacayay qorsheyaal hore oo fashilmay.

Khudbadda MW Erdogan kaddib, waxaa masraxa la keenay gaari casaan ah oo SUV ah iyo mid kale oo caddays qalin xigeena ah, oo lagu qoray magaca TOGG oo ah dallada dhistay.

Erdogan wuxuu sheegay in gawaaridani ay diyaar noqon doonaan 2022.

Turkey ayaa sidoo kale aad u adeegsada gawaarida caalamiga ah balse waddankooda lagu farsameeyo sida Ford (F.N), Fiat Chrysler (FCHA.MI), Renault (RENA.PA), Toyota (7203.T) iyo Hyundai (005380.KS).

Hadalsame Media