RASMI: Zlatan Ibrahimovic oo kusoo noqday kooxda AC Milan

0

(Milano) 27 Dis 2019 – Waxaa haatan la rasmiyeeyay heshiis uu AC Milan kula soo noqonayo laacibka Zlatan Ibrahimovic.

Ibra oo 38 jir ah ayaa AC Milan 6 bilood ugu dheelaya 3 milyan, taasoo gaari karta 4.5 haddii lagu daro bareemiyo.

Haddii uu shuruudaha qaar ku guulaysto waxaa si otomaatig ah loogu darayaa 12 bilood oo dheeraad ah, waana howl ay aad ula dhacsan yihii  halyeeyadii Milantii guuleed ee Paolo Maldini iyo Zvonimir Boban oo tillaabadan ku qanciyey Elliott and Gazidis.

Ibra ayaa lagu wadaa inuu Milanello yimaado Arbacda 1-da Jannaayo waloow ay warar kale sheegayaan inuu iman doono 2-da Jannaayo, waxaana loo badinayaa inuu qaadan doono midkood lambar 9 ama 11 oo ay kala haystaan Piatek iyo Borini, sida ay u kala horreeyaan, kuwaasoo kooxda ka tegi kara suuq Jiilaalkan.

Milan ayaa u baahan shakhsiyadda adag ee Ibra oo ah laacib horyaal ah isla markaana burjaawi ah.

Hadalsame Media