DAAWO: Barasaab Kenyan ah oo ku faanay dhicista hantida dadwaynaha oo aad loo bahdiley!! (Maxay Somalia ka baran kartaa?!)

0

(Mombasa) 27 Dis 2019 – Barasaabka Ferdinard Waititu, Alias Baba Yao ayaa kaligii dab isku daaray kaddib markii uu si shaac ah ugu faanay hantidii uu umadda ka dhacay.

Siyaasigan ayaa se taa eeday iyadoo lagu wargeliyay in aanu tegi karin xafiiskiisa tan iyo inta meel laga saarayo dacwo musuq ah oo lagu soo oogey, waxaa sidoo kale soo gole joojiyay Baarlamanka Maxalliga ah ee Kiambu County Assembly.

Intaa loogama harine, Babayao ayaa bahdil kale la kulmay intii ay socotey munaasabadda qaran ee Maalinta Geesiga Kenya ee Mashujaa Day qaybtii lagu qabtay Mombasa.

Waxaa isagoo fadhiya qaybta VIP-da ka qadaan qadiyay Ciidamada Booliiska, iyadoo uu MW Uhuru Kenyatta sii raaciyay hadal ah in aanu la shaqaynayn ciddii musuq lagu helo.

Goorma ayuu dhibku soo salaamey Barasaabka?

Waxaa halkan hoose ku jira gabal muuqaal ah oo muujinaya Waititu, oo si nacasnimo ah ugu faanaya hantida umadeed ee uu xaday, taasoo soo dedejisey inay daneeyaan hay’aadka heer qaran ee la dagaallanka musuqa.

Waxaa horay musuq dartii loogu xirey Barasaabkii Nairobi, waana cashar ay u baahan tahay inay Somalia barato, waloow aysan taasi dhowayn, jeer ay Barasaabyada Somalia oo loogu yeero ”Madaxwaynayaal” ay doonayaan in lagala tashto siyaasadda dowladda dhexe, isla markaana aan waxba laga waydiin tillaabo kasta oo ay qaadaan, xitaa haddii ay casilaan hay’aadkii la xisaabtami lahaa.

”Ciddii aan doono ayaan xoolo ka doonanayaa, ama heshiis la gelayaa” ayaa laga hayaa mid ka mid ah madaxda maamullada Somalia.

Hadalsame Media